kabbo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Caano, biyo iwm in cantuugo ka yar oo kol afka lagu qaado. 2. Qasac yar oo lagu cabbiro, saliid, gaas iwm.

kabbo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-baday, -batay)

Caano, biyo iwm in cantuugo ka yar kol afka ku qaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kabbo

kabbasho [m.f.dh]
eeg kabbo².

kabbayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Dareere kabbo-kabbo u cabbid.

kabbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Caano iwm cid hal kabbo ka siin. ld kebbi.

kabboo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ooday, -ootay)
Kabbo sameyn.

kabbood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg kabboo.

kabbood [m.l] (-dyo, m.l)
Lebbis qaab shaati leh qariya qoorta ilaa lawga, qaro uu dhaxanta ku celiyana leh.

kabboosho [m.dh]
In yar oo caano, biyo iwm ah oo mar afka lagu qaado.

kab [m.l]
1. Qoryaha laf jabtay lagu xiro si ay isu qabsato. 2. In yar oo maro, bir, qoray ah oo wax jabay ama duleeshamay lagu awdo. 3. ld kabid.

kab [m.dh] (-bo, m.l)
Jaamo harag, caag iwm ah oo inta laysku toltolo, cagaha la gashado. ld kob (4).

kab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax kala jabay ama kala go'ay kab ku xirid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg