kuuskuus
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)

Dhoobo iwm dhawr waxyaabood oo qaabab kankoonsan leh ka sameyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuuskuus

saalo [m.dh]
Saxaro kuuskuusan oo geela, ariga iyo ugaarta qaarkeed dhigaan.

balambal [m.l]
1. (balambal, m.dh) Geed gaab dhirta daawada leh ka mid ah oo leh caleemo balballaaran, miro yaryar oo kuuskuusan iyo laamo jilicsan oo jabi og; geed-jinni. 2. ld balaambalid.

baydaan [m.l]
Geed weyn oo aan qodax lahayn oo caleemo balballaaran iyo miro kuuskuusan oo la cuno leh.

bun [m.l]
1. Geed dhulka kulul ka baxa, dhala miro kuuskuusan oo beer iyo qolof adag leh. 2. Miraha geed bunka oo laga sameeyo qaxwaha, kafee. 3. Miraha bunka oo saliid ma subag lagu shiilay.

burlaqan [m.l] (-nyo, m.dh)
Bur la qasaayo inta kuuskuusanta oo aan qasmin.

buruq [m.dh] (-qo, m.l)
1.Bari dhirta qaarkeed dhanka hoose ka bixiso, adag, kuuskuusan oo la cuno. 2. Miro, sida qaraha, babbayga iwm inta jilicsan oo la cuno.

caduuro [m.dh]
Geed leh caleemo yaryar, miro kuuskuusan, macaan iyo laamo dhuudhuuban. ld caduur.

cawlwareershe [m.l]
1. Geednagaar leh miro kuuskuusan, caleemo yaryar iyo laamo jiljilicsan, oo nafleyda daaqda ay ku wareerto. 2. Miraha caduurka inta aanay bislaan. ld cawlawareershe.

dhegayare [m.l]
Miro yaryar, madmadow, dhuudhuuban oo madax kuuskuusan leh oo shaaha lagu udgiyo. qoronfol, qoronful.

dhuguf [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Qof gaaban oo murqo kuuskuusan leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg