laabo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-btay, -batay)1. (f.g) Wax fidsan ama jilicsan isku soo ceshasho. 2. (f.mg) Jiho loo socday ka weecasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laabo ↴
laabasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laabo. ld laabad. laabad, laabo
laablaabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
1. Wax isku dubbaridasho. 2. Wax xeeladayn. 3. Wax ka warwareegid. ld laallaabo.
laallaabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
ld laablaabo.
xagal [m.dh] (-glo, m.l/-llo, m.dh)
1. Lowga laabatadiisa dibadda u jeedda oo kolka la fariisto ama lugta la laabo, isku laabanta. 2. Labo xarriiqood oo toostoosan oo meel isugu yimaada iyo qaabka ay u yeelaan korka ama meesha u dhexaysa.
afbilaabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-lawday, -laabatay)
Qof afbilaw cunid.
alaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
ld alaab.
biito [m.dh]
Ciyaar-carruureed fadhiga lagu dheelo, oo inta lugaha la fidiyo, wax la tiriyo oo qofka ay tiradaasi ku dhammaato lugihiisa mid laabo; guunguun.
bilaabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-lowday, -laabatay)
Bilaw yeelasho; abuurmid; curasho. ld billaabo.
billaabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-lowday, -laabatay)
ld bilaabo.
laa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-laayay, -laysay)
ld lay.