laac
(m.l)Muuqaalka guud ee geedaha cagaaran.
laac
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-cay, -cday)1. (f.g) Gacan fidsan wax ku tiigsasho. 2. (f.mg) Ka l.: cunto, cabbitaan iwm deg-deg u dhammaysasho. 3. (f.mg) Naq baxay muuqasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laac ↴
haabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
Wax in yar durugsan gacan ku laacid.
laacayaal [m.dh]
(bot.) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.
laacdamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laacdan². ld laactamid.
laacdan [m.l]
1. Cayaar iyo bardoodan uu sameeyo geela da'da yar. 2. Fara ka ciyaar. ld laactan¹.
laacdan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
1. Geel da' yar bardoodamid. 2. Dad fara ka ciyaarid. ld laactan².
laace [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
(xis.) Xarriiqda toosan ee uu xood aad ugu dhawaado (ama sigo) hase yeeshe aan weligii taaban. Tusaale ahaan, labosaabka waxa uu leeyahay laba laace. Marka xoodka isle'egtiisu tahay 1 garaaf ahaan loogu muujiyo laba addimaale kulannada kaartis waxa ay laaceyaashiisu noqonayaan x = 0 iyo y = 0 (eeg: labosaab).
laacib [m.l] (-byo/-biin, m.dh)
Qof ciyaar aad u yaqaan; xariif; xarfaan; .
laacid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laac².
la [mu.y.ac]
Magacuyaal tilmaamaya in faluhu
uu yahay qof aan la aqoon ama aan la
caddaynin. Tus. “Waa la yiri”.
la [h]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa oo tilmaamaya wehelin ama wax wada qabsi. Tus. “Cali buu la socdaa”, “Wuu ila shaqeeyaa”, “Kursigaan la tag!”.