laaf
(m.dh) (-ooyin, m.l)(jool.) Dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeex-jeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu adkaataa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa.
laaf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)Ka l.: qof aan ka dhergin galmada qof kale.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laaf ↴
laafid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laaf².
laafyo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Hore iyo gadaal u tuuridda gacmaha marka la soconayo iyadoo la isdhaafinayo.
laafyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Iyadoo la iswaydaarinayo gacmaha marka la soconayo horay iyo gadaal u ridid.
laafyood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg laafyoo.
xallaafato [m.dh]
Qalab bir ah oo af galoolan iyo daab qori ah leh oo marka geedaha la qorayo xanafta looga bi'iyo; xalleefato.
callaaf [m.dh]
ld lacaaf.
dalaaf [m.l]
1. D. ah: xoolo ama dad darxumo iyo rafaad ka muuqdo. 2. D. ah: ceel biyihii ka gureen. 3. ld dalaafid.
dalaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
1. Dad ama xoolo, wax darxumo iyo rafaad ka muuqdo noqosho. 2. Ceel, biyo ka gurid.
la [mu.y.ac]
Magacuyaal tilmaamaya in faluhu
uu yahay qof aan la aqoon ama aan la
caddaynin. Tus. “Waa la yiri”.
la [h]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa oo tilmaamaya wehelin ama wax wada qabsi. Tus. “Cali buu la socdaa”, “Wuu ila shaqeeyaa”, “Kursigaan la tag!”.