laal
(m.l)

Ciyaar laba kooxood loo ciyaaro oo ku dhisan orod iyo isaseemid. ld lool¹.

laal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aalay, -aashay)

1. Wax meel kore saarid. 2. Sharci ama xeer hore u jirey tirtirid. 3. Wax meel sare yaal gacan ku tiigsasho. 4. Laal ciyaarid. 5. Gar iyo dood laba dhinac ka dhexeysa meel adag gelin.

Galaalxoor*

Fooro qof saarnayd oo uu iska tiro. Dambas ama nuurad qof cayaar laga badiyey la mariyey oo uu iska tiro.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laal

laabato [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Meesha xubnaha waaweyni iska galaan oo laallaabata. 2. ld laabad. laabad

laablaab [m.l]
Xeelad dan lagu fushanayo. ld laallaab. laallaab

laablaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax fidsanaa duudduubid. 2. Arrin aan fuliddeeda la rabin ka warwareegid. ld laallaab². laallaab

caal [m.dh] (-lyo, m.l)
Harag dheer, balaqsan oo lo'da luqunteeda dhinaca hoose ka laallaada.

laablaaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay)
Wax isku duudduubmay noqosho. ld laallaaban¹.

laablaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax isku duudduuban ahaansho. ld laallaaban².

laablaabasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laablaabo. ld laablaabad, laallaabad, laallaabasho.

laablaabid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laablaab². ld laallaabid.

laablaabmid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laablaaban¹. ld laallaabmid.

laablaabnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laablaaban². ld laablaabnaansho, laallaabnaan, laallaabnaansho.

la [mu.y.ac]
Magacuyaal tilmaamaya in faluhu uu yahay qof aan la aqoon ama aan la caddaynin. Tus. “Waa la yiri”.

la [h]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa oo tilmaamaya wehelin ama wax wada qabsi. Tus. “Cali buu la socdaa”, “Wuu ila shaqeeyaa”, “Kursigaan la tag!”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg