laaluush
(m.l)Lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu fuliyo.
laaluush
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-shay, -shtay)Laaluush siin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laaluush ↴
laaluushad [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg laaluusho.
laaluushan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-shnaa, -shnayd)
Wax laaluush qaatay ahaansho.
laaluushid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laaluush².
laaluushnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laaluushan. ld laaluushnaansho.
laaluushnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld laaluushnaan.
laaluusho [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-shtay, -shatay)
Cid dani ku xirantahay laaluush siisasho.
biiriqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
Qof si xishood darro ah u qaata laaluush.
callaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Qof laga rabo in uu hawl qabto deeq yar siin; laaluushid. 2. Alaab yar gaadid raran saarid. ld calaal².