laami
(m.l) (-iyo, m.dh)Gufar madow oo ka hara badroolka, dhuxusha iwm oo lagu sameeyo waddooyinka.
laami
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Badar karsamaya walaaqid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laami ↴
laamin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laami².
raan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbi-reed ama cutubcutub miro ahi ka laal-laadaan.
bulaamid [m.f.dh]
eeg bulaan². ld bulaan¹.
caday [m.l]
1. (caday, m.dh) Geed abaareed laamihiisa ama xididdadiisa ilkaha lagu nadiifiyo oo leh miro yaryar, gudguduudan, macaan oo la cuno. 2. (-yo, m.dh) Laan dhuuban ama xidid ilkaha lagu nadiifiyo; rumay.
daamir [m.l]
Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. ld daammur.
dillaamid [m.f.dh]
eeg dillaan². ld dillaan¹ (2), dullaamid, dullaan¹.
dullaamid [m.dh]
ld dillaamid.
galaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ubad xoolaad oo habartood la maalayo, si uu u nuugo hadba dhan ka soo gelid.
laa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-laayay, -laysay)
ld lay.