labaad
(m.l.t.j)Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma labada; darajada ay hal darajo ka sarrayso.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labaad ↴
aad [mu.dhm.y]
Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo qoraha). "Ninka aad la hadashay waa walaalkay". ld aa(2), aydin. aa, aydin.
b [m.dh]
(ba') Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
kaa [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tus. “Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay”.
taada [mu.lh.dh] (kuwaaga, w)
Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qof-ka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad
leedahay. Tus. “Taada ayaa qurux badan”.
taada [dk.lh.dh] (-taada)
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “buugaagtaada ayaan ka dhax helay
warqaddan”. ld taa³. taa
idin [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah, oo lala hadlayo. Tus.: “waan idin arkay”.
idinka [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaal yeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus.: “waxaas idinka ayaa ku shaqa leh”. ld idin². idin
idinna [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee wadarta ah oo ka kooban idin 2 iyo na².
kaaga [mu.lh.l]
(kuwaaga, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “kaaga ayaa ka fiican”.
kaaga [dk.lh.l] (-kaaga)
Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “Qalinkaaga baa cusub”. ld kaa³.
laba [m.dh.t]
ld labo¹.