labaatanaad
(m.l)Sanadaha u dhexeeya labaatan ilaa soddon.
labaatanaad
(m.l.t.j)Tirada jagaale, keeda labaatanka u dhigma. ld labaatamaad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labaatanaad ↴
u [m.dh]
(u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af
soomaaliga, waana shaqal.
w [m.dh]
(wa') Xarafka kow iyo labaatanaad ee
alifbada af soomaaliga waana shibbane.).
x [m.dh]
(xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee
alifka soomaalida, waana shibbane.
y [m.dh]
(ya') Xarafka saddex iyo labaatanaad ee
alifba'da af soomaaliga waana shibbane.
qaaf [m.l]
Xarafka kow iyo labaatanaad oo alifka carbeedka magaciisa. ld qa'.
cirir [m.l]
1. Godka laba iyo labaatanaad ee dayaxu fariisto. 2. Xiddig dayaxa la fariista xilliga jiilaalka. 3. Qof adadag oo ayaan badan oo dhashay xilliga xiddiggaas.
jidgabaarre [m.l]
1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Godadka dayaxu dego midka saddex iyo labaatanaad.
jidgacanle [m.l]
1. Xiddigaha mid ka mid ah. 2. Godadka dayaxu dego midka shan iyo labaatanaad.
labaatamaad [m.l.t.j]
ld labaatanaad².