labee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-beeyay, -baysay)

Wax mid ahaa wax kale ku darid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labee

awrdhaw [m.l]
1. Rimmay gacmeeda lagu sameeyo geedaha aan labeebka ahayn sida timirta; faxlid. 2. ld awrdhebid.

awrdhaw [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dhabay, -dhabday; -dhabi)
Geedaha aan labeebka ahayn sida timirta iwm rimay gacmeed ku samayn; faxlid.

badad-birlabeed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Badad xoog oo ka jira weegaarka birlab ama gudbiye qulqul danab wada.

balaatihelmantis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.

cidhif-birlabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Dacallada birlabta ee u muuqda in xoogagga birlabeed ay ka unkamaan.

dhaashi [m.l]
1. Dufan ama labeen udug leh oo oogada la marsado. 2. ld dhaashasho.

dhallaax [m.dh]
Subag, labeen, xeydh, timir cajiiman iwm oo weelsalkiisa ku jira.

itaal birlabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Summad H. Xaddi leeb laguna qeexo bar gaar ah ku taal badad birlabeed keenaysana cabbirka qaybta cufnaan burqaad birlabeedka (B), xorna ka ah dhextaalka ay ku falmayaan xoogagga badada birlabeed. Waxa lagu cabbiraa halbeegga (A/m).

khalkhal-birlabeed [m.l]
(c.fal) Qulqulad weyn oo ku dhacda bed birlabeedka dhulka oo dunida oo dhan saamaysa, taas oo dhammaan ama sida badan qarinaysa isbeddelka maalmeed.

laballabee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -beysay)
Laba arrin oo gudboon kala dooran waayid.

lab [m.l]
1. Labada jaad ee nafleydu u kala baxdo, midka aan uurka yeelan; labood, rag. 2. Qas.

lab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax isku qasid. 2. Wax jaah-wareerin.

lab [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-baa, -bayd)
Wax adag ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg