luggoo
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-gooyay, -goysay)

1. Cid waqti ka lumin. 2. Si kas ah qof marin toosan uga habaabin. 3. Cid ballan been ah siin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh luggoo

taakh [m.l]
Wax qof waqti ka lumiya ama seejiya faa'ido; luggooyo.

tafantoof [m.l]
1. Socod dhib iyo luggooyo leh. 2. Dhibaato badan lala kulmo.

tafantoof [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Socod dhib iyo luggooyo leh socosho.

boqnagooyo [m.dh]
1. Luggooyo. 2. Jaridda feylaha la jaro si loo curyaamiyo. ld boqnagoyn.

caddib [m.l]
1. Luggooyo; kadeed. 2. ld caddibid.

caddib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Cid shiddo iyo dhibaato gaarsiin. 2. Cid luggooyo badid.

cinaad [m.l]
1. Diidmo luggooyo ku jirta. 2. Runta oo la is diidsiiyo ama laga madax-adaygo. ld canaad¹.

cinaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Diidmo luggooyo ku jirto cid kula kicid. 2. (f.mg) Runta ka madax-adaygid. ld canaad².

guurro [m.dh]
Hagardaamo; luggooyo.

hanqaaran [m.l]
1. Luggooyo. 2. ld han-qaarmid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg