lugtool
(m.l)

(bot.) Geed dheer oo toos u baxa oo aan laamo ka farcama lahayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lugtool ā†“

aale [m.l]
Geed lugtool ahaan u baxa, sida qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta iwm.

laan [m.l]
1. Xubinta taranka ee haweenka. 2. Geed lugtool ah. 3. Geed bixiya miro laysku daaweeyo. 4. ld laam. Magaca carbeedka xarafka ā€œLā€.

babbaay [m.l]
Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.

wamme [m.l]
Geed yar oo jilicsan oo lugtool ah oo korna ubax qurux badan ku yeesha, hoosna buruq kuusan oo kulul oo biir leh, oo xoolaha lagu dhacariyo, layskuna daweeyo. ld mawe.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg