lul
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Wax jilicsan oo dabka la shidayo marka hore lagu huriyo.

lul
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ulay, -ushay)

1. Wax ruxid. 2. Wax meel ka soo lalmin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lul

qaabis [m.l]
1. Garoorinta la garooriyo caano la doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor ah.

laabtaxaw [m.dh]
(c.nafl.) Carjaw yar oo ka lulata lafta sakaarka dhankeeda hoose. ld laabxuunsho, labxo.

saardiin [m.l] (-nno, m.dh)
Kalluun badeed lullumada u eg oo badanaa la qasacadeeyo.

yulul [m.l]
ld yoon¹.

barqo-kulul [m.dh]
Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.

bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.

bulul [m.l] (-llo, m.dh)
ld bulu.

burbur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-rro, m.dh)
1. Cadad yaryar oo wax is haystay u kala jajabo. 2. Caano la lulay oo aan weli subag dhalin. ld burur¹ (2).

burburis [m.l]
1. Caano in yar la lulay oo aan firfir yeelan. 2. ld burburin.

burcad [m.l]
Subagga caanaha la lulay laga soo saaro inta aan weli la shiilin. ld bocor¹ (1).

l [m.dh] (la', laan, laam)
Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg