lumid
(m.f.dh)

eeg lun².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lumid

haantaawilif [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Cido, ama dad iyo duunyo dhibaato darteed kala lumid.

ambo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-baday, -batay)
Cid waddada habboon ka lumid.

burur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Qof, wax shucurtiisa kiciya la kulmay, is-hanasho ka lumid; jidbood. 2. ld burbur².

dabaysho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-shaday, -shatay)
1. Dhanka dabayshu ka imanayso, aadid. 2. Xoolo lumid.

foolhallow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-laabay,-lowday; -laabi)
Dheddigood foolanaya xanuun la lumid. ld fooltag².

gawaanraac [m.l]
1. Cararidda xoolo badani cararaan iyaga oo baydadaya. 2. Lumidda xoolo badani lumaan. ld gawaanraaci.

goosan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-smay, -santay; -smi)
Qayb ari soofay ka mid ah lumid.

habaab [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-byo, m.dh)
H. ah: dabinkabood; lumid. ld habow¹ (2).

habow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-baabay,-baabtay;-baabi)
1. Jidka toosan ka lumid. 2. Cayrnimo la dalaabid.

hallow [m.l]
1. ld hallaabid. Lumidda wax ka lumaan jidka toosan. 2. H. ah: nafley jidkii toosnaa ka luntay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg