luqun
(m.dh) (-umo/-qmo, m.l)Oogada nafleyda, inta u dhexeysa madaxa iyo garbaha; sur; qoor.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh luqun ↴
laab [m.dh]
1. Jirka dadka soo jeedka inta u
dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad.
2. Qalbi; niyad. qalbi, niyad, xabad
gaadaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.
gaadaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.
caal [m.dh] (-lyo, m.l)
Harag dheer, balaqsan oo lo'da luqunteeda dhinaca hoose ka laallaada.
jaamojoog [m.dh]
(c.nafl.) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.
saabley [m.dh] (-yo, m.l)
Jirka dadka inta xudunta ka korreysa luquntana ka hoosaysa.
afdhuubyaale [m.l]
Hab geela aarankiisu u ordo isagoo luqunta hore u dhiibanaya gafuurkana dhuubaya. ld afdhuubyaalayn.
barkadhac [m.l]
Muruq dadka luqunta ka gala marka barkinta si xun u barkadaan. ld barkindhac¹.
caali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Neef lo'ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid.
daloolin cad-hunguri [m.dh]
(daaw.) Hawl qalliimeed ee lagu sameeyo dalool hungurigacad luqunta dhexdeeda si neefta loogu furo qof ay ka xirantay sida qofka qaba: gawracatada, ama shey: (badhan, lacag iniin iwm) oo gudaha ku dhacay oo neefta xira.