luud
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

Tabardarro awgeed tartiib u socosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh luud

habaqle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Socod si kala dambayn ah qofba mar u yimaado. 2. H. ah: dad si kala dambaysa qofba mar u yimaado. 3. Daal ama gaajo la luudidda.

hadeec [m.l]
Socod luudid ah oo nafley aad u tamar yari socoto. ld hudeec¹.

hadeec [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Nafley aad u tamar yar luudid. ld hudeec².

heec [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Dad ama xoolo, itaal darro awgeed la luudid.

hitiqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley hitiq u socodsiin; luudin.

huddan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Socod tabar yar socosho; luudid.

luudi [m.l] (-iyo, m.dh)
Kal yar oo bir ah oo lagu tumo geedaha shaaha lagu darsado iyo bunka.

luudi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax tartiib u wadid; si tabar yar u socodsiin (qof).

luudid [m.f.dh]
eeg luud.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg