luudi
(m.l) (-iyo, m.dh)

Kal yar oo bir ah oo lagu tumo geedaha shaaha lagu darsado iyo bunka.

luudi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax tartiib u wadid; si tabar yar u socodsiin (qof).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh luudi

habaqle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Socod si kala dambayn ah qofba mar u yimaado. 2. H. ah: dad si kala dambaysa qofba mar u yimaado. 3. Daal ama gaajo la luudidda.

hadeec [m.l]
Socod luudid ah oo nafley aad u tamar yari socoto. ld hudeec¹.

hadeec [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Nafley aad u tamar yar luudid. ld hudeec².

heec [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Dad ama xoolo, itaal darro awgeed la luudid.

hitiqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley hitiq u socodsiin; luudin.

huddan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Socod tabar yar socosho; luudid.

luudid [m.f.dh]
eeg luud.

luudin [m.f.dh]
eeg luudi². ld luudis.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg