luudid
(m.f.dh)

eeg luud.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh luudid

habaqle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Socod si kala dambayn ah qofba mar u yimaado. 2. H. ah: dad si kala dambaysa qofba mar u yimaado. 3. Daal ama gaajo la luudidda.

hadeec [m.l]
Socod luudid ah oo nafley aad u tamar yari socoto. ld hudeec¹.

hadeec [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Nafley aad u tamar yar luudid. ld hudeec².

heec [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Dad ama xoolo, itaal darro awgeed la luudid.

huddan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Socod tabar yar socosho; luudid.

qalluudid [m.f.dh]
eeg qalluud². ld galluubid.

tukub [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Nafley socod tartiib iyo tabar yari leh socosho. 2. Ku t.: ul ku luudid.

luud [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Tabardarro awgeed tartiib u socosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg