luuq
(m.l) (-qyo, m.dh)

Wadiiqo yar oo aad ciriiri u ah hareerahana guryo ka xigaan.

luuq
(m.dh) (-qo, m.l)

1. Cod gaar ah oo gabayada iyo heesaha lagu qaado; cod lagu dheeraysto oo laga xareediyo. 2. ld laaq¹.

luuq
(m.dh)

(nax.) Weer qaybaheeda kala leh luuq kala duwan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh luuq

laab [m.l] (-bab, m.l)
1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq; jiiro. luuq, jiiro

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

aleeggad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Hees hawleed luuq macaan ku qaadid (haween).

aynshaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Qasaa'id diini ah ku luuqeyn.

balwee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-eeyay, -eysay)
Balwo ku luuqeyn.

biibbiile [m.l]
1. Haraatida labada addin ee dambe iyadoo wada jira ay dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. Qalab noocyo badan leh oo carruurtu marka ay afuufaan luuq kala duwan bixisa. 3. ld biibbiilayn.

duqush [m.l] (-shyo, m.dh)
1. ld doqosh. 2. Luuq.

gabay [m.l] (-yo, m.dh)
Nooc maansada ka mid ah oo leh qaafiyad, luuq iwm oo aan muusig loo tumin.

geeraar [m.l] (-rro, m.dh)
Maansada qayb ka mid ah oo gabayga ka tix gaaban, si gaar ahna loogu luuqeey.

hees [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-so, m.l)
Tix hab dhisan leh oo lagu luuqeeyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg