luuqad
(m.dh) (-do, m.l)

Af ay ummadi leedahay oo ay isku fahmaan. ld luqad, luqo, luuqo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh luuqad

luqad [m.dh]
ld luuqad.

luqo [m.dh]
ld luuqad.

luuqo [m.dh]
ld luuqad.

maluuqad [m.l]
ld maluuqasho.

luuq [m.l] (-qyo, m.dh)
Wadiiqo yar oo aad ciriiri u ah hareerahana guryo ka xigaan.

luuq [m.dh] (-qo, m.l)
1. Cod gaar ah oo gabayada iyo heesaha lagu qaado; cod lagu dheeraysto oo laga xareediyo. 2. ld laaq¹.

luuq [m.dh]
(nax.) Weer qaybaheeda kala leh luuq kala duwan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg