maaddo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Saddexda nooc walxaha dunida yaalla u qaybsamaan mid ka mid ah oo kala ah: adke, hoore, iyo neef. 2. Qayb cilmiyeed isku wax ka hadleysa. ld maaddad. maaddad

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maaddo

maaddad [m.dh]
ld maaddo. maaddo

laastiko [m.dh]
Wax ka samaysan maaddo marka la kala jiido aan go'in ee kala baxa.

qaacido [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Saldhig xoog leh oo militari. 2. Xeer kooban oo maaddo cilmi ahi ay leedahay.

ayodhiin [m.l]
(daaw.) Maaddo kiimikaad oo jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah, inta badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee taayroodka.

baaruud [m.dh] (-do, m.l)
Budo maaddo qaraxda ah, fuuqa xabbadda ku jira oo gumuca ridda.

bac [m.dh] (-cyo, m.l)
1. Maaddo balaastiig ka samaysan, khafiif ah oo wax lagu deto, dambiilo wax lagu ritana laga sameysto. 2. Dharbaaxo; jaawin.

buufi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax neef ku shubid. 2. Neef maaddo ur leh ama sun ka sameysan meel ku siiddeyn. 3. Hoore midab leh oo tuubbo si xoog leh uga baxayo meel ku rinjiyid.

cilmi [m.l]
(culuun, m.dh) 1. Aqoon habeysan oo waayo aragnimo iyo daalacasho lagu kasbaday. 2. Qeyb ka mid ah aqoonta oo la xiriita maaddo gaar ah. ld culuun.

daawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iwm lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. ld dawo.

maad [m.dh]
1. Gaashaan. 2. Meel lagu gabbado.

maad [m.dh] (-do/-dooyin, m.l)
Hadal ama sheeko lagu qoslo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg