maagma
(m.dh) (-ooyin, m.l)

(jool.) Walax dhalaashan oo laga helo hoosta dhadhaabada adag ee qolofta dhulka, mararka qaarkoodna waaxa la arkaa marka ay folkanaha ka soo baxayso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maagma

folkaano [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.

maag [m.l]
1. Daandaansi; gardarro; abyood. 2. ld maagid.

maag [m.l] (-gag, m.l)
1. Xad, xuduud. 2. ld maagid.

maag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof gardarraysasho. 2. Doonid ama damcid.

maag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1]
Wax cabsi dartii uga dheeraansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg