maalgeli
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

Mashruuc hantigelin si loo hormariyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maalgeli

maalgelin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maalgeli. ld maalgelis.

maalgelis [m.l]
ld maalgelin.

tacab [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cbay, -cabtay; -cbi)
1. (f.g) Beer dalag ka soo saarid. 2. (f.g) Hawl faa'iido ka helid. 3. (f.mg) Ku t.: qof maalgelin si noloshiisa loo hagaajiyo. ld tabac².

bil [m.dh] (-lo, m.l)
1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg