maaliyad
(m.dh)

Hanti.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maaliyad

banki [m.l] (-iyo/bunuug, m.dh)
Maamul xafiisyo leh oo lacagta lagu keydiyo ama layska amaahiyo, fuliyana adeegyo maaliyadeed sida sarrifka lacagaha qalaad, xawaaladaha gudaha iyo dibadda iyo furidda ictimadyada. ld bangi.

ganaax [m.l] (-xyo, m.dh)
Ciqaab maaliyadeed oo cid xeer jebisay lagu xukumo in ay bixis.

ganaax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
Ciqaab maaliyadeed cid dambi fashay bixinteeda ku xukumi.

hantiile [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof hanti leh. 2. Qof maaliyad badan leh.

miisaaniyad [Magac Dheddig | Noun Feminine]
(dhaq.) Qorshe waqtiyeysan oo maaliyadeed oo loogu talaggalay in hawl lagu fuliyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg