maammul
(m.l)

1. Habka hawl loo fuliyo. 2. ld maammulid.

maammul
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ulay, -ushay)

Hawl hab wanaagsan u fulin. ld maamul².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maammul

maammulan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax si wanaagsan loo maammulay ahaansho (hawl). ld maamulan.

maammulasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maammulo. ld maamulasho.

maammule [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof hawl agaasinkeeda madax ka ah. 2. Qof dugsi madax ka ah. ld maamule.

maammulid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maammul². ld maammul¹ (2), maamul¹, maamulid.

maammulnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maamulan. ld maammulnaansho, maamulnaan maamulnaansho.

maammulnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld maammulnaan.

maammulo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ushay, -ulatay)
Hawl si wanaagsan u agaasimasho. ld maamulo.

maammulxumo [m.dh]
Hab aan wanaagsanayn oo hawl loo fuliyo. ld maamulaxumo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg