maamulo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-ushay, -ulatay)

ld maammulo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maamulo

maammulo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ushay, -ulatay)
Hawl si wanaagsan u agaasimasho. ld maamulo.

saad [m.l]
1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.

tadbiir [m.dh]
Maamulidda si fiican wax loo maamulo (lacag, arrin iwm).

xafiis [m.l] (-syo, m.dh)
Qol ama ka badan oo lagu maamulo hawlo guud ama gaar.

agaasin [m.l]
1. Xafiis laga maamulo waax wasaaradeed, wakaaladeed iwm. 2. ld agaasimid. Habeynta iyo isku dubbarididda hawsha. 3. A. guud: xafiis laga maamulo dhowr waaxood.

curfi [m.l] (-iyo, m.dh)
Xeer aan qornayn ee la isku maamulo; xisti. ld curuf.

demokarasiya [m.dh]
Talis dawleed oo ku dhisan xukun uu dadweynuhu maamulo. ld demokarasiyad.

dhaqaaladdarnaan [m.f.dh]
1. eeg dhaqaalad- daran. 2. Si aan habboonayn oo hanti loo maamulo. 3. Si aan habboonayn ee wax loo xannaaneeyo. ld dhaqaaladdarri, dhaqaaladdarro.

dhaqaale [m.l]
1. Hanti. 2. Habka hanti loo maamulo. 3. Aragtida wax soo saarka iyo qaybinta hantida. ld dhaqaalo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg