marax
(m.l)

1. Wax la kaydsado; dhaqaale. 2. Hilib muddo yiil oo aan isbeddelin. 3. Ur suyac ah.

marax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rxay, -raxday; -rxi)

1. Hilib wax isbeddeley noqosho. 2. Wax suyacay noqosho (Caano, biyo iwm).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marax

dhirifow [m.l]
1. Marax. 2. Suyuc.

dulbaax [m.dh]
1. Xuub jilicsan, cad oo haragga iyo hilibka u kala dhexeeya. 2. Hilib aan marax ahayn. 3. Dooxo.

maraxsad [m.l]
ld maraxsasho.

maraxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax la dhaqaaleyey ahaansho. 2. Hilib wax suyacay ahaansho.

maraxsanaan [m.f.dh]
eeg maraxsan. ld maraxsanaansho.

maraxsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld maraxsanaan.

maraxsasho [m.f.dh]
eeg maraxso. ld maraxsad, maraxsi.

maraxsi [m.l]
ld maraxsasho.

mar [m.l]
1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: kolkayga, kolkaaga iwm. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba. 4. ld marid.

mar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Wax walba ee dumarku dhexda ku xirtaan. 2. Qiimaha naagnimo.

mar [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo. Tus. “Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay”. 2. (nax.) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday”.

mar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iwm dardarid. 5. Nafley dabayl jin iwm ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iwm ku wada gaarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg