mooy
(Magac Lab | Noun Masculine)

1. Nooc shimbiraha ka mid ah. 2. ld mooye (2). Neef xoolaad oo tood ah (tooji). mooyaane qr. Qurub macnihiisu yahay “haddii laga reebo”; ma ahee. Tus. “Adiga m. qof kale ma imaan”. ld maahane, mooyee, mooyiye.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mooy

raaciye [m.l]
1. Dad waddan ku wada nool inta maamulka haysa mooyaane inta kale oo la xukumo; shacbi. 2. Dad inta aan ciidan ahayn; rayid. ld raaciyad. raaciyad, rayid, shacbi

maago [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
Ka m.: wax cabsi darteed uga dheeraansho. maahane qr. ld mooyaane.

uusxabaal [m.l] (-llo, m.dh)
Qof tuug ah oo ariga uu qasho hilibkiisa inta uu cuno mooyaane inta kale qarsha.

aawo [m.dh]
Erey aan keligii istaagin in qodob lahaansho lagu daro mooyee, sida: -diis, -deed, -dood iwm oo macnahiisu yahay qof ama wax dartood. Tus. “Cali, Caasha aawadeed ayuu halkan u yimid”. ld aw.

ashahaado [m.dh]
Qiritaanka in Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo direy yahay.

ashahaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
In Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo diray yahay qirid.

baaqi [m.l]
Tiro go'an inta ka baxday mooyee inta kale ee ka soo harta; haraa.

balaatihelmantis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.

bisin [m.l]
(dii.) Aayadda suuradaha quraanku ka wada bilawdaan, mid mooyaane oo ah Bismillaahir-raxmaanirraxiim.

cagsalaax [m.l]
Cudur geela cagaha ka gala oo aysan tuluddu ku joojin karin cagafta jirran, in ay dhulka ku xoqayso mooyee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg