naab
(m.l)

ld naabid. naabid

naab
(m.dh)

(daaw.) Qolof qallalan oo fuusha bishimaha qofka marka uu harraado ama uu bukoodo; jiil. jiil

naab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

1. Wax fur ku adkeyn. 2. Ku n.: wax la kor saaray wax kale ku dhejin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naab

naaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Wax fur lagu naabay ahaansho. 2. Wax wax kale kor lagaga dhejiyey ahaansho.

naabid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naab³. ld naab¹, nabid. naab, nabid

naabnaab [m.l]
1. ld naannaab 1. N. ah: qof caqli yar oo shiddo badan. 2. ld naabnaabid. naannaab, naabnaabid

naabnaab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Qof, wax shiddo badan oo caqli yar noqosho. 2. Qof faqri daran la kulmid. 3. Ku n.: si foolxun oo ka fuqid lahayn ugu dhegid u qabsasho. ld naannaab². naannaab

naabnaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Naabnaab ka dhigid (qof). ld naannaabi. naannaabi

naabnaabid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naabnaab². ld naabnaab¹, naannaab¹, naannaabid. naabnaab, naannaab, naannaabid

naabnaabin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naabnaabi. ld naannaabin. naabnaabi, naannaabin

na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.

na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg