naafo
(m.dh)Nafley addimadeeda midkood ama qaarkood wax ka qaba oo aan wax ku qabsan karin.
naafo
(m.dh)Awood la'an kaamil ah ama dhimman uu qof naafo ah u yeelan karo hawlaha xagga bulshada ama xagga shaqada.
naafo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ftay, -fatay)ld naafow².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naafo ↴
naaf [m.l] (-fo, m.l)
1. Xiddig ka mid ah ururka naafo. 2. (m.w) Toddobada xiddigood oo “naafcadduhu” ugu horreeyo, “dirirkuna” ugu dambeeyo; waxay u dhexeeyaan
toddobada “raqaha” iyo toddobada “daalallida”; waa xiddigo xagaa.
naafasho [m.dh]
ld naafoobid. naafoobid
naafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -faysay)
1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iwm dhaawicid.
naafeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax naafo noqday ahaansho (nafley).
naafoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naafow². ld naafasho, naafow¹.
naafow [m.l]
Noqoshada nafley ay naafo noqoto. ld naafoobid.
naafow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Naafo noqosho. ld naafo³.
naa [u.j]
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo
ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo;
magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus.
“Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa.