naas
(m.l) (-so, m.l)

1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naas

ib [m.dh] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo. 3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo dhurduhu u maro surta.

ibadaboole [m.dh] (-layaal, m.l/dh)
Cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. ld ibadaboolo. ibadaboolo

ibagorayee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Hal irmaan si aan wanaagsanayn naasaha uga marid.

ibagujee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-jeeyay, -jeysay)
Hal irmaan si ay u godlato naasaha si tartiib ah uga salaaxid.

ibagujo [m.dh]
Salaaxidda neef geel ah oo irmaan naasaha laga salaaxo si uu u godlado.

ibagurayo [m.dh]
Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.

ibajiiqo [m.dh]
Yaraanta iyo ciriirinnimada uu yeesho caanamareenka naaska

ibajitow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday)
Neef geel ah oo ibajito naaska ka gashay noqosho.

ibamar [m.l]
Maridda hal irmaan afarta naas laga maro. ld ibamaryo. ibamaryo

ibamar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Hal irmaan afarta naas ka marid. ld ibamaryee. ibamaryee

na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.

na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg