naasaley
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Nafleyda inta ilmaha dhasha oo nuujisa. ld naasley.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naasaley

naasley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(c.nafl.) Dir ka tirsan lafdhabarleyda oo ka kooban ilaa 250 sinji. Naasleydu waa xayawaan dhiig diirane ahoo maqarkoodu leeyahay qanjidho dhidid, kuwaas oo soo daaya dhidid qoboojiya jidhka. Jidhkoodana waxa ku daboolan timo. Naasleydu dhammaantood waxay leeyihiin naaso, kuwaas oo soo daaya caano ay ku quudiyaan ilmahooda. ld naasaley, naasooley.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg