nabaadguur
(m.l) (-ray, -rtay)

Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed, geedo soo bixi waayaan.

nabaadguur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed geed soo bixi waayid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nabaadguur

nabaadguuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dhul nabaadguur ku ridid.

nabaadguurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabaadguur².

nabaadguurin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabaadguuri. ld nabaadguuris.

nabaadguuris [m.l]
ld nabaadguurin.

maas [m.l]
1. Dhul nabaadguuray. 2. Dhul la abuuray oo aan weli wax ka soo bixin. 3. Deyn. 4. Saanta lo'da oo la magdiyey. 5. Midab guduud xigeen ah oo geelu yeesho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg