nabid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg nab. ld naabid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nabid

naabid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naab³. ld naab¹, nabid. naab, nabid

aynabid [m.f.dh]
eeg aynab².

dhaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ku dh.: wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: qof wax ku ilayn. ld dheji (5).

dheji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: wax dab ku taabasho. 3. Ku dh.: cid wax cunaysa ku ileyn (qof). 4. Isku dh.: cid kale isku dawdarid (qof). 5. ld dhaji.

masabbid [m.l]
Ku nabidda cid fal aanay samayn dusha laga saaro.

masabbid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Cid fal aysan samayn ku nabid.

masabbido [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-itay, -idatay)
Cid fal aanay samayn ku nabid.

nab [m.l]
ld nabyo.

nab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Cid fal ama hadal aanay samayn ama dhihin ku sheegid; masabidid. 2. Is n.: wax hurda iska dhigid. 3. Ku n.: wax meel ku dhejin. 4. Ciid, timo iwm dhejin. 5. ld naab³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg