nadiif
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

1. N. ah: wax aan uskag iyo wasakh lahayn. 2. N. ah: qof aan khayaamo, xaasidnimo iwm lahayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nadiif

daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.

saafi [m.l]
1. S. ah: wax nadiif ah oo aan wasaqi ku jirin. Tus. “ Cali wuxuu keenay malab saafi ah”. 2. Saafinnimo. 3. Nooc kalluunka ka mid ah.

xaaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in.

xaaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Meel qashin ka nadiifsasho. 2. Wax meel yaal wada qaada-sho.

xalliiban [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Caano ama wax la mid ah oo miir ah, aan wax kale dheehin ama tar-raxin, nadiifnimadii ka badatay. 2. Wax sida dhalada qaarkeed, araggu gudbo ama iftiinku soo dhaafo.

areebo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm; basari; baali; arraajo.

baaro [m.dh]
Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.

baqbaq [m.l]
1. Xabag aan saafi ahayn oo jilif, duux iwm ku dhafanyihiin. 2. Dhegdhegga indhaha buka ama aan nadiifka ahayn yeeshaan; fiish, dhalxan. 3. Dalool yar oo ku yaal albaab, dariishad iwm.

boorayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
(dii.) Biyo la'aan awgeed xubnaha laga weyso qaato qaar ka mid ah (wejiga iyo gacmaha) ciid nadiif ah marin si cibaado loo guto; tayamum.

buraash [m.l]
1. (-shiyo, m.dh) ld burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iwm dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. ld buraashid.

nadi [m.l] (-iyo/nadi, m.dh)
Jeedal yar oo faraska lagu dhufto si uu u dheereeyo; karbaash.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg