nadiifin
(m.f.dh)

eeg nadiifi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nadiifin

xaaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in.

areebo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm; basari; baali; arraajo.

baaro [m.dh]
Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.

buraash [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-shay, -shtay)
Wax buraash ku nadiifin ama ku riinjiyeyn.

calasee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
1. Dhul qashin ka nadiifin. 2. Biyo calas ka dhigid.

cuncun [m.l]
(daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. Holaca muddada gaaban waa falgal difaac oo degdeg ah oo ay soohyadu kaga hartagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaad. Astamaha: xanuun, kul, cassaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cadcad waxay galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda buskood.

dabakafuul [m.l] (-llo, m.dh)
Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iwm ee baabuurka.

deebi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn.

dhaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Wax biyo ku nadiifin. 2. Si wanaagaan wax u maamulid. 3. Wax meel fog geyn.

dhulfiiq [m.l] (-qyo, m.dh)
Qof u qaybsan xaaqidda ama nadiifinta magaalada.

nadiif [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. N. ah: wax aan uskag iyo wasakh lahayn. 2. N. ah: qof aan khayaamo, xaasidnimo iwm lahayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg