nadooc
(m.l)

Loodsanka ku dhaca ul, rabar iwm.

nadooc
(m.l)

(nax.) Habdhac sarfeed oo hawshiisu tahay in salka (falka ama magaca iwm) la raaciyo kabayaal ama dhammaadyo muujinaya tirada, caynta iyo qofka.

nadooc
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday)

Ul, rabar iwm loodsan ku dhicid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nadooc

qaanso [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab ka samaysan ul iyo wax la mid ah, oo lagu nadoocshay xarig labada af lagaga xiray, oo leebka iyo gammuunka laga gano. 2. Summad loo adeegsado ah hadalka ama codadka intooda kale, sababa kala duwan awgooda: qaansooyin deriley: {}; qaansooyin geesaley: []; qaansooyin bileed: ().

carjaw [m.dh] (-wyo, m.dh)
(c.nafl.) Cad yar oo aan hilib iyo laf midna ahayn, nadoocma oo lafaha isku xirta.

isrogrog [m.l]
(nax.) Nadooca ama isrogrogga ku dhaca falka, arrinkaasoo ku xiran: habka, amminka, qofka, tirada iwm. Tus. “Hibaaq way tagtay”, “Hibaaq iyo Cigaal way tageen”.

masdar [m.l] (-rro/-saadir, m.dh)
(nax.) Magac-faleedka falka, yacni waa qaab faleed aan ku dhicin isrogrog la xariira tirada, caynta iyo amminkaba; badanaa waxaa la raaciyaa fal ka kaaliya xagga nadooca. Tus. “Axmed wuu akhrin karaa”, “Wiilasha way akhrin karaan”. ld mesder.

nadooci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax sida laan qoyan, ul, rabadh iwm loodin.

nadoocin [m.f.dh]
eeg nadooci.

nadoocsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la nadoociyay ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg