nafsad
(m.dh)

1. Wax nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. Niyad. 3. Tabar; itaal.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nafsad

cilminafsi [m.l]
Laan ka mid ah cilmiga oo ku sabsan nafsadda, dhaqanka iwm ee qofka.

dareen [m.l]
1. Garasho ku abuurta niyadda qofka isbeddal nafsadeed. 2. War dhiilo leh. 3. Tuhun; shaki.

nafsadjab [m.l]
ld niyajab¹.

nafsadjab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
ld niyajab².

nafsadjebi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld niyajebi.

nafsadjebid [m.dh]
ld niyajebid.

nafsadjebin [m.dh]
ld niyajebin.

niyajab [m.l]
Rajoxumo ka dhalata wax sidii laga rabay noqon waayay. ld nafsadjab¹, niyadjab¹.

niyajab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Rajaxumo dareemid, wax sidii la rabay u dhici waayey awgeed. ld nafsadjab², niyadjab².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg