nagaar
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Dhir yar-yar oo gaagaaban.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nagaar

raasow [m.l]
(bot.) Nagaar laamo jilicsan iyo caleen dhuudhuuban leh oo marka la kariyo caleemihiisa dadku cunto ahaan u cunaan. ld raansow.

aneexo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Geed nagaar faalala oo leh caleemo yaryar oo xanaf leh iyo miro kulkulucsan oo la cuno. ld uneexo.

argeeg [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Geed nagaar aan qodax lahayn, oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo xididdo dhaadheer oo weelbiyoodka laga tolo.

aruundi [m.l]
Geed nagaar leh qodax, caleen yaryar iyo miro casuura ah oo anqaasta laga samaysto.

baar [m.dh]
(baar, m.dh) 1. Geedka cawdu ka baxdo, waa dhir oo ay isku bah yihiin timirta, bixiya miraha qoonaha iyo caw oo ka baxa meelaha kulul ee biyaha leh. 2. Nagaar dhulka ku faalala oo xooluhu daaqaan.

bacaroor [m.dh]
Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.

bacle [m.l]
Geed nagaar aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.

burdaddo [m.dh]
(bot.) Geed nagaar faalala leh caleemo yaryar iyo bari macaan oo la cuno. ld burdad.

caraacar [m.l]
1. Geed nagaar leh qodaxyo kuwa tiinka u eg oo ka baxa meelaha qabatinka leh. 2. Qodaxda geed-qodxeed yar. ld caraacir, caraancar.

ciddiyagaduudshe [m.l]
Geed nagaar yar oo leh xididdo dhuudhuuban oo ciddiyaha lagu guduudsado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg