noqod
(m.l)

1. Dib ugu laabashada wax meeshii ay ka yimaadeen dib ugu laabto. 2. ld noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh noqod

qaansarroobaad [m.dh] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka.

ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.

barnoqod [m.l]
(xis.) Barta ugu sarreysa ama ugu hooseysa ee ku taalla xood, taas oo ah, bar halka uu kulanka iska beddelo min kordhid ilaa dhimid, ama min dhinmid ilaa kordhid, iyo weliba taabtuhuna waa uu jiifaa. Haddii isbeddelku yahay kordhid ilaa dhinmid waa barta ugu sarreysa.

barqanoqod [m.l]
ld barqanoqosho.

dhexgal [m.l]
(fiis.) Dh. ileyska: firidhsanka ileys noqodka oo ay sababtay dusha xanafta leh ee uu ileysku abbaaray ama ku dhacay.

garabyeel [m.l]
Garab u noqod; taageero; hiill.

gudo-noqod-dhan [m.l]
(fiis.) Marka fallaadh ilays kaga dhacdo dusha dhextaal cufnaan obtikaad yar, xagal abbaar ka weyn xagal qirinqiirka, halkii ay uga gudbi lahayd dhextaalka cufnaanta yar ayay dib ugu soo noqotaa dhextaalka cufnaanta badan.

guryannoqod [m.l]
ld guryannoqosho.

haniye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Labada carrab oo yaryar oo ku yaal qalalka wadnaha: dhiigga wadnaha soo gelaya ayay soo daayaan oo soo wareegaan inuu dib u noqodana u diidaan.

meere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(c.fal.) Mid ka mid ah walxaha qiyaas ahaan goobada ah, oo gaadhaya dhowr boqol, kuwaas oo ku meeraysta qorraxda oo mara tub qorraxeedyo loo yaqaan tubo. Waxa jira sagaal meere oo waaweyn, uu ku jiro dhulku, oo in door ah ka weyn kuwa oo hadhay, iyo meereyaal yaryar oo badan ama meere yareyaal. Meereyaasha dhulka ka weyni waa: Nebtuun, Yuraanas, Jaateen iyo Jubitar, kuwa ka yaryarina waa: Feenus, Maaris, Meerkuri iyo Buluuto. Feenus iyo Meerkuri ayaa qorraxda uga dhow dhulka kuwa soo hadhay ay ka sii fogyihiin. Buluuto, oo la helay 1930, ayaa ugu fog qorraxda, marka laga reebo qorraxda iyo xiddigaha, sida dayaxa meerayaasha kale waxay ku faan noqodka qorraxda. Buluuto ama Buluto 2006 ayaa laga saaray Meerayaasha rasmiga ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg