nuun
(m.l)

1. Summad ishkinka badanaa qoorta looga dhigo oo u eg nuunka xuruufta carabiga. 2. ld na'.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuun

caadoxanuun [m.l]
Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.

qaanuun [m.l] (-nno/qawaaniin, m.dh)
1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. ld qaynuun, qeynuun.

unuun [m.l]
1. Madax; kur. 2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta ka sii kharaar oo laysku dhaweeyo.

unuungoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-ooyay, -oysay)
Nafley madaxa ka jarid.

unuungoyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg unuungoo.

unuunuf [m.l]
Af-ku-urursiga cunta yar oo dhulka daadsan afka lagu uruursado. ld anaanuf¹.

unuunuf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Nafley cunto yar oo dhulka ku daadsan uruursasho. ld anaanuf².

unuunufid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg unuunuf². ld anaanufid.

anuun [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani'iyo 'uun 3'.

caloolxanuun [m.l]
Cudur kasta oo caloosha ku dhaca oo xanuujiya.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg