nuur
(m.l)

Kaaha ka baxa walax iftiimaysa.

nuur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Walax iftiinta kaah bixin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuur

tabaashiir [m.l]
(jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.

binnuur [m.l] (-rro, m.dh)
Koob yar oo qaxwada lagu cabbo. ld binnuuri.

binnuuri [m.l]
ld binnuur.

cad [m.l]
1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.

dhagax-nuuradeed [m.l]
(jool.) Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt.

dolmayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(jool.) Macdan ku dhow ili-ka-gudubtay oo ka kooban kaarboonayt laba luxdan oo ah kaalshiyam iyo magniisiyam; amase waa dhadhaab sida qaalibka ah loo yaqaan magniisiyam-dhagax nuuradeed oo macdantu tahay qaybta ugu mudan.

gaantay [m.l] (-yo, m.dh)
(jool.) Xabuub khafiif oo dhadhaab lakabeed oo ka dhashay dhoobo, waxa laga yabaa iney ku sameysantey cadaadis culeyska dhadhabaha kor saaran dartood, ama sibidhow (cementation), sida nuuradda.

gal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-lal, m.l)
1. Nuur dayaxa isku wareejiya. 2. Buqshad. 3. Shay wax lagu xafido (sida seef, billaawe iwm).

galaal [m.dh]
1. Diillin cad oo madaxa idaha bartanka kaga tal. 2. Dambas, nuurad iwm oo qof la fooray wejiga laga mariyo.

galaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Qof laga badiyey turub wajiga dambas, nuurad iwm ka marin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg