nuxur
(m.l)Waxtar gaar ah oo cunnada qaarkeed laga helo; dheef; uraad.
nuxur
(m.l) (-ryo, m.dh)(taar.) Qaybta asalka u ah iyo tilmaamaha gaarka ah ee lagu yaqaan shay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuxur ↴
xallad [m.dh]
Qurxinta iyo nuxur u yeelidda hadalka, gaar ahaan qaybaha suugaanta.
axadh [m.l]
1. Cuntada dhadhankeeda la jeclaysto. 2. Hadalka nuxurkiisa dib loo sii dhadhansado.
bayr [m.l]
1. Nuxurka hadal, dood iwm ku saleysanyahay. 2. ld bayrid.
cantar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Kibir iyo islaweynaan muujin. 2. Hadal aan nuxur badan lahayn sheegid.
cantarabbaqash [m.l]
Hadal aad u nuxur yar.
daldalan [m.l]
Hadal badan oo aan nuxur lahayn.
dhalleex [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Daymo gees la eego. 2. In yar. 3. Hadal ama dood intooda muhiim ah nuxur. ld dhalleec¹, jalleec¹.
duluc [m.dh]
1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tus. “Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo”.
nafaqo [m.dh] (-ooyin, ml.)
1. Cunnada nafley cunto inta nuxurka leh; dux. 2. Cunto; masaruuf.
nuxrur [m.l]
Dheef tayo leh oo laga helo cuntada qaarkeed. ld nuxur.