oggolaysii
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iiyay, -iisay)

1. Cid wax ku qancin. 2. Nafley in ay wax oggolaato ku khasbid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oggolaysii

oggolaysiin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oggolaysii. oggolaysii

naajax [m.l]
1. Miro bislaaday. 2. Qof la oggolaysiiyay inuu fuliyo arrin laga lahaa. 3. Qof dhaqaalo ahaan ladan.

yeelsii [f.g/lg2] (-iiyay, -iisay)
Cid arrin ama wax kale oggolaysiin.

farabbar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Neef ugub oo curtay maalis oggolaysiin.

qaldhac [m.l] (-cyo, m.dh)
Qori loo kala jeexay laba qalbac oo dabada looga xiro si uu saalada iyo neefta ugu cesho hal la doonayo in la oggolaysiiyo ilmo aysan dhalin. ld qallac¹, qallax¹.

sidig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dkay, -digtay; -dki)
Hal geel ah ilmo aysan dhalin oggolaysiin.

suulgoranyo [m.dh]
Hab lagu ciqaabo hal geel si loo oggolaysiiyo in la maalo. ld suulgorayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg