ogsajiin
(m.dh)

1. Curiye kiimikaad oo neef ah, midab dhadhan iyo urna lahayn oo ku jira hawada iyo biyaha muhimna u ah noolaha. 2. Curiyeyaasha biyuhu ka samaysmaan mid ka mid ah. ld ogsijiin, oksijiin.

ogsajiin
(m.dh)

(kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ogsajiin

ogsijiin [m.l]
ld ogsajiin.

waaf [m.l] (-faf, m.l)
(c.nafl.) Xubin neefsasho oo ay isticmaalaan xayawaannada biyaha ku nooli, si ay uga soo qaataan ogsajiinta biyaha dhexdooda.

asiidh-laagtika [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iwm.

bakteeriya [m.dh] (-ayaal, m.l/dh)
(baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.

garwadneed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl) Dhuun dhiigga ugu weyn ee laga helo lafdhabarleyda sare, kaas oo ka qaada dhiigga ogsajiinta leh wadnaha dhinaca caloolyarada bidi.

gibil [m.l]
(jool.) Atomosfeer: hawada ku gedfan dhulka oo badanaa isugu jirta neefo ay ka mid yihiin ogsajiin (21%), Naytrojiin (78%), kaarboon dhayogsayd (0.03%), Argon (0.94%), Helium iyo neefo kale oo ku yar gibilka (0.01%) marka ay hawadu qallalantahay, iyo uumi-biyood xaddegiisu doorsoom.

iritorosaytis [m.l] (-syo, m.dh)
(c.nafl.) Nooca ugu badan tiro ahaan unugyada dhiigga, kuwaas oo ka kooban midab cas oo loo yaqaan himogolobiin, isla markaana wuxuu masu'uul ka yahay qaadista ogsajiinta.

kuwaatis [m.l]
(jool.) Mid ka mid ah macaadintra aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka, iyo hogagga dhadhaabaha. Badanaa waxaa ku qasan macaadin kale, oo ay ka mid yihiin birta ceeriin. Waxay ka samaysantahay silika iyo ogsajiin. Waxay samaysaa xaddigu ugu badan ee bataaxda.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg