ogsidhayn
(m.dh)

(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ogsidhayn

ogsidheeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
ld ogsidhayn.

biraha-alkaali [m.l]
(kiim.) Curiyayaasha ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li), soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam (Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).

biro-dhuleed-alkaliin [m.l]
(kiim.) Curiyayaasha ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Inkasta oo aanay aad ugu milmin biyaha haddana waxay la sameeyaan iyo beysyo. Waxay dhamaantood ku leeyihiin laba elektaroon heertamarta ugu sarreysa. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay II. Biraha ururkani waa: biriliyam (Be), magniisiyam (Mg), kaalsiyam (Ca), istorontiyam (Sr), baariyam (Ba) iyo radiyam (Ra).

gulukows [m.dh]
(kiim.) Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydh-yada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.

hoos-carreed [m.l]
(jool.) Lakab walxo ah oo hoos yaal carro rumeedka, ama carrada kore, walxa dhintayna way kaga yaryihiin kan ku xiga waxaana laga yaabaa in muxtawiyaadkiisa macdaneed kala duwan-yahay, wuuna ka yare dahsoonyahay wakiillada ogsidhaynta iyo haydaraynta. Wuu ka bacrimin yaryahay carrada kore. Laakiin waxa hoos u gala xididdada dhirta iyo deegaanta.

kaarboon hal-ogsaydh [m.l]
(kiim.) Neef sun ah, olosha, midablaawe ah oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku yar tahay (gubasho dhiman). Warshad ahaan, waxa lagu diyaariyaa ogsidhaynta kaarboon ama neefta dabiiciga ah, ama falgalka lagu magacaabo biyo-neefeed. Waa neef ah yareeye laxaad badan laguna isticmaalo cilmi-bireedka.

tilmaame [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
(kiim.) Iskudhis si geddisme ah u beddela midabka, kaas oo ku xiran, PH-ka milanka uu ku milanyahay. Mitimsyada ogsidhayn yareyntu waxay u baahan yihiin tilmaa-mayaal gaar ah.

weji ogsidhayn [m.l]
eeg ogsidhayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg