ogsidheeye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)

ld ogsidhayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ogsidheeye

ogsidhayn [m.dh]
(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.

koloriin [m.dh] (-nno, m.dh)
(kiim.) Curiye neef cagaar-hurdi ah oo firfircoon kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyeyaasha). Waxa laga helaa biyaha badda, cusbada harooyinka iyo helaytka (NaCl) oo tuulma fadhiisimo dhul-hoosad ah. K.ta oo ah ogsidheeye xooggan, waxa lagu xisaabay in dhulka oogadiisa ay ka tahay 0.055%.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg