oksijiin
(m.l)

ld ogsijiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oksijiin

ogsajiin [m.dh]
1. Curiye kiimikaad oo neef ah, midab dhadhan iyo urna lahayn oo ku jira hawada iyo biyaha muhimna u ah noolaha. 2. Curiyeyaasha biyuhu ka samaysmaan mid ka mid ah. ld ogsijiin, oksijiin.

biyo [m.l.w]
1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.

dhiigyaro [m.dh]
Dhiigyaro (Anemia) waa xaalad aanad haysan unugyo dhiig oo casaan ku filan si ay u qaadaan oksijiin ku filan unugyada jirka. Dareemidda dhiig-yaraanta ayaa kaa dhigi karta inaad dareentid daal iyo daciif. Waxaa jira noocyo badan oo ka mid ah dhiig-yarida, oo mid waliba leeyahay sabab u gaar ah. Dhiigyaro wuxuu noqon karaa mid mudo gaaban ah ama muddo dheer sidoo kale wuxuu ka koobnaan karaa mid fudud ilaa mid daran. dhiigyari

sayanooko-baalamin [m.dh]
(daaw.) Madoo-baashada maqaarka iyo xuubabka daboola daloolalada jirka: indhaha, afka, futada, siilka iwm. Waxaana keena oksijiinka oo ku yaraada dhiigga.

tintaafyo [m.dh]
(daaw.) (kabillariyada) Xidid-dhiigyo aad iyo aad u yaryar, sida timaha oo magacoodu ka yimid. Tintaafyadu waxay ku sameeyaan shabaag soohyada (xubnaha) oo dhan waxa dhiigga u keena halbowlayasha yaryar, waxaana ka qaada xididdada yaryar. Tintafyadu jirmigoodu wuxu ka sameysanyahay hal unug, taasoo suuro gelineysa. Kala bedelka: oksijiinka (O2), karbondiyok-saydka (C)2), biyaha (H20), cusbooyinka, iwm oo ka dhex dhacaya jirka iyo soohyada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg