oogo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Jirka sare ee nafleyda. 2. Dhulka meeshiisa aan cadduun iyo dooxo ahayn. 3. Wax dushood sare. Tus. “Buurta oogadeeda”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oogo

ontoogoni [m.l]
(baay.) Korritaanka noolaha laga bilaabo unug bacrinsan ilaa inta uu qaangaadhayo.

oogo-dhul [m.dh] (-ooyin-dhul, m.l)
1. (jool.) Qaybta adag ee qolofta dhulka, taas oo ku kala fidsan gun gaaraysa ilaa iyo 65 Km. (40 mayl) ka hos dhulka dushiisa. 2. (jool.) Qaybta u serraysa dhulka ee ka sarraysa xarriiga moho, garadeeduna waa 8 ilaa 40 km. badanaa waxay ka koobantahay dhadhaabo shiileed.

oosayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(baay.) Unug taran laga helo ugxansidaha xilliga oojiniisiska. Waxay ka timaadaa korriinka oogooniyamka.

taaloogo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-oday, -otay)
Taaloog samaysasho (qof).

banjoogoobid [m.f.dh]
eeg banjoogow.

banjoogow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Banjoog noqosho (xayawaan).

boogoobid [m.f.dh]
eeg boogow². ld boogow¹.

boogow [m.l]
ld boogoobid.

boogow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Boog yeelasho.

oo [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Xiriiriye loo adeegsado in laysku xiro labo weer tabineed oo abyoon. Tus. “Cali waa nin wanaagsan oo deeqsi ah”, “Cali oo Xamar joogay ayaan la kulmay, adoo harsan waayay ma laguu soo harsaday?” 2. (nax.) Xiriiriye isku xira laba fal oo isku mar la qabtay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg